Shirka Golaha Wadaatashiga Qaran oo ka furmay Magaalada Muqdisho

Waxaa magaalada Muqdisho ka furmay shirka Golaha Wadaatashiga Qaran oo ay ka qayb galayaan dhammaan dhiancyadii shirka ku ballansanaa.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Sooomaaliya Maxamed  Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay shirka Golaha Wadaatashiga Qaran,waxaana ka qayb galaya maadxda Dowlad Goboleedyada.

Madaxweynayaasha Maamulada Puntland, Jubbaland,Galmudug, Hirsahbeelle, Koofur Galbeed Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirka ayaa inta uu socdo waxaa diiradda lagu saari doonaa amniga iyo dardargelinta doorashooyinka, daahfurnaanta iyo jaangoynta xilliga la soo gabagabeynayo doorashada Golaha Shacabka BFS.