Shirka Garoowe oo maalintii labaad galay iyo Mas’uuliyiin khudbado jeedinaya

Waxaa Magaalada Garoowe ee Xarunta Dowlad Goboleedka Punland markale Saaka dib uga billaabmay shir ay ka qayb galayaan Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Shirka oo shalay furmay ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay Machadka cilmi barista ee Heritage oo Sanadkaan looga hadlayo sida looga gudbi karo KMG-nida daba dheeraatay Sanadka 2025-ka, waxaana maanta uu galayaa Maalin kiisii labaad.

Inta badan shirka waxaa lagu faaqidi doonaa xaaladaha Soomaaliya ee la xariira sidii looga gudbi lahaa KMG-nida daba dheeraatay iyo arrimo kale oo quseeya Siyaasadda dalka, waxaana mas’uuliyiinta qaar ay si gaar gaar ah kaga shirayaan Doorashada soo aaddan ee dalka ka dhici doonta ee hadda loo madalsan yahay.

Shirka waxaa ka qayb galaya madaxweynayaasha Galmudug,Jubbaland,Puntladn oo marti-geliya ah,madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed,Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo marti Sharaf kale oo fara badan, iyadoo si habsami leh uu uga socda Xarunta Maamulka puntland ee Garoowe.

Mas’uuliyiinta qaar ayaa hadda hadlay, waxaana sidoo kale Khudbada jeedin doona qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta shirka qayb galaya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media