Shir Maanta Hay’addaha Amniga DFS iyo Midowga Afrika uga furmay Muqdisho

Shir u dhexeeya Hay’addaha Garsoorka, kuwa amniga dalka iyo Madax ka socota Golaha amniga ee Midowga Afrika ayaa Maanta ka furmay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, kaasi oo maalmo socon doona sida uu qorshahu yahay.

Shirka ayaa waxaa looga hadlayaa Arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin horumarinta Cadaalada, amniga dalka iyo qiimeyn la xiriirta qaabka ay u shaqeeyaan hay’addaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale inta uu socdo Shirka ayaa waxaa looga arrinsan doonaa dib u dhiska ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku saameysay Ciidamada Qaranka qeybahooda kala duwan ee dagaalka kula jira Al-shabaab.

Wasiirada Cadaalada iyo Gaashaandhigga Xukuumadda xilgaarsiinta Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo Xasan Xuseen Xaaji iyo, Saraakiil ka tirsan hay’adaha Amniga, Agaasimaha Maareynta Khilaafaadka Golaha Midowga Africa, Fiyoona Looran, Madaxa howlaha Nabadda Midowga Afrika, Taliyaha Ciidamada Booliska AMISOM iyo Madaxda Qeybta qorsheynta Howlaha ee Midowga Afrika ayaa ka qeyb galaya Shirka.

Madax ka socota Golaha amniga ee Midowga Afrika ayaa shalay soo gaaray Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana socdaalkooda kusoo aaday, xili hay’addaha amniga dowladda ay u diyaar garoobayaan sugida amiga doorashooyinka dalka ka dhacaya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor