Shir looga hadlayo xal u helida xaalado ka jira dalka oo ka furmay Muqdisho

Wasaaradda Qorsheynta Maal-gahiga iyo horumarinta dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta Magaalada Muqdisho ka furtay shir looga hadlayo Mudnaansiinta Istaraatijiyada Xalka-waara xaalado ka jira dalka.

Shirkaan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa waxaa diirada lagu saari doonaan hanaankii Xal-waara loogu heli lahaa dadka Barakacayaasha, Qaxootiga Soomaaliyeed ee kusoo guryo noqda dalka.

Shirka oo goordhow furmay ayaa waxaa ka qey galaya Wasaaradaha dowladda Soomaaliya, kuwa dowlad Goboleedyada dalka ka jira, Gobalka Banaadir iyo Hay’adaha Qaxootiga.

Sidoo kale shirka ayaa waxaa warbixino kala duwan oo ku aadan sidii xal buuxa loogu heli lahaa Barakacayaasha iyo Qaxootiga Soomaaliyeed laga dhageysan doonaa Mas’uuliyiinta kala duwan ee ka qeyb galeysa shirkaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media