Shir looga hadlayo Abaaraha & Macluusha ka jirta Somalia oo Maanta ka furmaya Dal Carbeed

Waxaa Maanta oo sabti ah Magaalada Beirut ee Caasimadda dalka Lubnaan ka furmaya Shirkii 157-aad ee Wasiiradda Arrimaha Dibedda Ururka Jaamacadda Carabta. Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta,  Axmed Abul Qeyd iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Lubnaan,  C/llaahi Buxabiib ayaa guddoomin doona.

Shirka ayaa waxaa looga hadli doonaa inta uu socdo qaddiyado kala duwan, oo ay ka mid yihiin Abaaraha iyo Macluusha ka jirta Soomaaliya xiligaan.

Ergayga gaarka ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu qaabilsan samafalka iyo Abaaraha,  C/raxmaan C/Shakuur ayaa la filayaa inuu shirkaasi ka jeediyo Khudbad uu dowladdaha Carbeed ugu faahfaahin doono xaaladda Macluusha ka jirta Somalia.

Dhinaca kale, Shirka Wasiiradda Arrimaha Dibedda Ururka Jaamacadda Carabta ayaa waxaa ka qeyb geli doono Wasiiro iyo Wakiilada Joogtada ee dowladaha Carbeed u jooga Xarunta Ururka Jaamacadda Carabta ee Qaahira.

Wasiirada Arrimaha Dibedda ee dalalka Sacuudiga,  Imaaraadka Carabta, Libya, Morocco kama soo qeyb geli doonaan Shirkaasi, iyadoo ay Wakiiladooda Joogtada ee Ururka Jaamacadda Carabta u matali doonaan. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Masar  ayaa waxa shirkaas u matali doona ku-Xigeenkiisa.

Dhinaca kale,  Wasiirada Arrimaha Dibedda ee dalalka Somalia, Yemen,  Qatar,  Kuwait,  Sudan, Algeria,  Falastiin iyo Jesiiradda Comoros ayaa la xaqiijiyey inay Shirkaasi xaadir ku yihiin, halka ay Wasiirada Arrimaha Dibedda ee dalalka Iraq iyo Oman ka cuddur-darteen Shirkaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor