Shir looga hadlaayay Kobaca dhaqaalaha Soomaaliya oo la qabtay

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa khudbad ka jeediyay kulan looga hadlayay hormarka maaliyadda, dhaqaalaha dalka kadib markii uu kulan qadka internerka ee fogaanka arraga uga qeyb-galay shirkadka Machadka dhaqaalaha ee Stockholm (Stockholm Institute of Economics).

“Sharaf ayay ii tahay in aan ka jeediyay khudbad ku saabsan horumarka Maaliyadda iyo kobaca dhaqaalaha dalka Machadka dhaqaalaha ee Stockholm (Stockholm Institute of Economics) taa oo u qabsoontay hab Online ah.

Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sidoo kale safiirka dowladda swedan ee soomaaliya uga mahadceliyayka qeyb-galka barnaamijka lagu xoojinayo dhaqaalaha Soomaaliya.

“Waxa aan u mahadcelinayaa Safiirka Dowladda Sweden ee u fadhiya Soomaaliya Staffan Tillander oo igu wehlinayay barnaamijka aan uga hadalnay dhaqaalaha Soomaaliya. Ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka maaliyadda Dr.Cabdiraxmaan Duceele Bayle.

Ugu dambeytii wasiirka maaliyadda eee xukumadda federaalka Soomaaliya Dr.Cabdiraxmaan Ducaale Bayle waxa uu sheegay in Isbadalka saxda ah ee maaliyadda dalka u horseeday kalsoonida iyo taageerada dhaqaale ee Saaxibada Caalamka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media