Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa Shir Guddoomiyay Shirka Amniga Maamulka Galmudug oo ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulkaas.
Shirkaan oo ay ka soo qayb galeen Wasiirka Maaliyada, La taliyaha Madaxweynaha Galmudug ee dhanka Amniga iyo Saraakiisha hay’ada Nabadsugida Galmudug Saraakiisha Booliska ayaa waxaa diirada lagu saray sare u qaadida amniga guud ee Galmudug iyo kan gaar ahaan Caasimadda oo lagu qabayo Shirka Maamul Goboleedyada dalka.
Ugu dambeyn Madaxweyne ku-xigeen Cali Daahir Ciid ayaa ayaa faray lamaha amniga Galmudug in ay si weyn u adkeeyaan amniga Caasimadda Dhuusamareeb iyo deegaanada ku xeeran.
9-ka Bishaan ayaa lagu wadaa inuu Caasimadda Galmudug ka dhacdo Shirka Madaxda Maamul Goboleedyada dalka, kaasi oo looga hadli doono arrimo kala duwan oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo Doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacan.