Shil sababay Dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Dowlad Deegaanka

Warar dheeraad ah  ayaa laga helayaa shil sababay dhimasho iyo dhaawac oo duhurnimadii Maanta ka dhacay deegaan ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, sida aan wararka ku heleyno.

Shilkaas ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay inta u dhexeeysa Qabri-bayax iyo Araarso ee dowlad deegaanka Soomaalida, waxaana uu ka dambeeyay, kadib markii uu rogmaday gaari nooca loo yaqaano laan-guruusalka oo ay saarnaayeen dad shacab ah.

Inta la xaqiijiyay laba ruux oo kamid ahaa dadkii saarnaa gaariga ayaa ku geeriyooday shilkaas, halka tirro intaas ka badan ay dhaawacyo soo gaareen, isla markaana waxaa la geeyay Xarun Caafimaad.

Goobta uu shilku ka dhacay ayaa waxaa tegay Saraakiil Ciidan oo ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, kuwaasi oo sheegay in gaariga rogmaday markii horey loo waday si xawaare sare oo markii dambe keentay inuu rogmado.

Deegaano dhowr ah oo ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa horey uga dhacay shilal kala duwan oo geystay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dadkii la socday gaadiid isku dhacay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media