Shil khasaaro geystay oo ka dhacay Hargeysa iyo faah faahin kasoo baxeysa

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Shil gaari oo Maanta ka dhacay Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, kadib markii ay isku dhaceen laba gaari oo mid uu siday Arday waxkabarata Iskuul ku yaalla Hargeysa.

Shilkaan ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay dhacay waddada ka timaada Garoonka diyaaradaha Hargaysa gaar ahaan halka loo yaqaano Calamadaha, waxaana isku dhacay laba gaari oo mid noociisu ahaa Bas siday Arday Iskuul iyo mid kale oo raaxo ahaa.

Inta la xaqiijiyay laba Arday oo la socday gaariga Bas-ka ahaa ayaa ku dhaawacmay shilkaas dhacay, kuwaasi oo la geeyay Xarun Caafimaad, isla markaana waxaa burbur gaaray qeybta hore ee gaariga Bas-ka.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka ilaalada waddooyinka Magaalada Hargeysa ayaa tegay goobta shilka, waxaana ay sameeyeen baaritaano la xiriira sida uu u dhacay shilkaas khasaaraha geystay ee dhacay duhurnimadii Maanta.

Si kastaba Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa waxaa horey sidaan oo kale uga dhacay shilal kala duwan oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac, iyadoona inta badan shilalkaas loo sababeeyo Darawalada oo gaadiida xawaare ku wada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor