Shil khasaaro geystay oo ka dhacay degaan ka tirsan Mudug

Shil gaari ayaa goordhaweyd ka dhacay deegaan ka tirsan Gobolka Galagduud, kaasi oo ka yimid, kadib markii uu is kedis ah u rogmaday gaarigaas oo ahaa nooca xamuulka qaada ee Soomaalida u taqaano BG-ga.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in shilkaas uu sigaar ah uga dhacay inta u dhexeeysa Deegaanada ceel-guula iyo Afgaduudle ee Gobolka Galgaduud, isla markaana waxaa ka dhashay khasaaro.

Laba ruux oo mid kamid ah uu yahay Darawalka ayaa dhaawac Culus uu kasoo gaaray shilkaas, waxaana dhaawacyada si deg deg ah looula cararay Xarum Caafimaad, si xaaladda caafimaad loogu dabiibo.

Sawirro laga soo qaaday goobta uu shilka ka dhacay ayaa muujinayay in gaariga Biijiiga ahaa uu siday Shamiindo farabadan iyo qalab kale, isla markaana uu ku socday xawaare sare, uuna markii dambe ka baxay wadada, kadibna uu ku gadoomay laamiga dhinaciisa.

Shilala kala duwan oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa horey uga dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Mudug, waxaana shilalkaas inta badan loo sababeeyay Darawada oo si taxadar ah aan u wadin gaadiidka iyo wadada oo burbursan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media