Shil Diyaaradeed oo ka dhacay Degmo ka tirsan Koonfur Galbeed

Shil diyaaradeed ayaa barqanimadii Maanta ka dhacay Garoonka diyaaradaha degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool ee Maamulka Koonfur Galbeed, sida sheegayaan wararka aan halkaas ka heleyno.

Diyaaradaan oo nooceedu yahay Helicopter ayaa burburtay, xili ay dooneysay inay ku degto Garoonka degmada Xudur, hayeeshee dad ayaa waxaa ay ku warrameen inay cilad qabsatay, sidaasina ku dhacday.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in Diyaaradan dhacday ay leeyihiin Ciidanka Itoobiya ee qeybta ka ah Ciidanka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM  oo Saldhig ku leh meel ku dhow Garoonka Xudur.

Weli lama oga khasaaraha ka dhashay shilkaan diyaaradeed ee Maanta ka dhacay degmada Xudur Gobolka Bakool ee Maamulka Koonfur Galbeed, waxaana socda gurmad lagu deminayo dab xoogan oo ka kacay diyaarada.

Shilkaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyada oo waaberigii hore ee saakay Diyaarad siday 45 qof ay ku dhacday Garoonka diyaaradaha Ceel-waaq ee Gobolka Gedo, waxaana ka badbaaday dhammaan dadkii saarnaa, kuwaasi oo kasoo baxay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor