Shiinaha oo ka hadlay Taageeradooda Somalia ee La-dagaalanka COVID-19 

Shir Jaraa’id oo ay Safaaradda Shiinaha ku qabatay Dhismaha Safaaradooda ku taalla Muqdisho ayey kaga hadleen Khatarta Caalamka uu weli ku hayo Cuddurka Laayaanka ee COVID 19, so-if-baxa nooca DELTA iyo sida loogu baahan yahay in looga hortago.

Qoraalka Shirkooda Jaraa’id ee Safaaradda Shiinaha oo Suxufiyiinta loo qeybiyey waxaa lagu xusay inay Qaaradda Afrika wajahayso khatarta Mowjadda 3-aad ee COVID 19 (The third COVID-19 wave).

Dowladdaa Shiinaha waxay Tageero iyo Taakuleyn siisay dalalka Afrika oo ay ku jirto Somalia.

“Shiinaha waxay Somalia ugu deeqday Xirmo qalabka Caafimaadka iyo 200,000 oo Talaalka COVID 19” ayaa lagu yiri Shirka Jaraa’id ee  Safaaradda Shiinaha ku leedahay Muqdisho.

Shiinaha waa dalkii u horeeyey ee Somalia ugu deeqay Talaalka COVID iyo Qalabka Fayo-dhowrka ee looga gaashaanto Xanuunkaasi.

Madaxweynaha Shiinaha, Shii Jinbing (XI Jinping) waxaa ka go’an Taageeradda Shiinaha ee Somalia, iyadoo Shiinaha si buuxda u gudaayso Taageerada Walaaltinimo ee u dhexeeya Somalia iyo Shiinaha.

Safaaradda Shiinaha waxay kaloo Shirkooda Jaraa’id kaga hadleen sida ay uga go’an tahay in ay taageero ka geystaan halka uu asal ahaan ka curtay COVID 19, waxayna gaashaanka ku dhufatay Eedeymaha Dalalka Reer Galbeedka farta ku godayaan inuu Shiinaha ka soo bilowday Xanuunka Laayaanka ee COVID19.

Shiinaha waxay mudaddii uu socday Shirkii 73-aad ee Golaha Caafimaadka Adduunka waxay ugu baaqday Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO inay si dhow ula shaqeeyaan dalalka iyo Ururada Caalmiga sidii loo aqoonsan lahaa halka uu asal ahaan ka soo farcamay COVID 19.

Dhinaca kale, Shirka Jaraa’id ee Safaaradda Shiinaha ee ku taalla Muqdisho waxay mar kale beenisay Aragtida sheegayso inuu COVID 19 ka soo butaacay Shaybaarka Cilmi-baarista Fayriska ee Machadka Wuhan Institute ee dalka Shiinaha.

Tan iyo sanadkii hore, Shiinaha waxay labo jeer casuumeen Khubaro ka tirsan Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, si ay u yimaadaan Shiinah, una dabagalaan Baaritaanka asalka COVID 19.

Khubaro ay hoggaaminayeen 10-Waddan oo ka kala socday dalal ay ka mid yihiin Maraykanka, UK, Japan iyo Australia iyo dhigooda Shiinahayaa sameeyey Guddi Khubaro oo Isku-dhaf ah, kuwaasi oo 28 maalmood Baaritaano Wadajir ah ka wadeen gudaha Shiinaha.

Khubarada waxay garwaaqsadeen inaysan waxba ka jirin Eedeymaha sheegayo inuu COVID ka soo bilowday magaalladda Wuhan ee dalka Shiinaha oo uu cuddurkaasi ka dillaacay bishii Decdember ee sanadkii 2019-kii.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor