Shiikh Shariif oo mar kale eed culus u jeediyay MD Farmaajo kana hadlay arrimo kale

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed ayaa sheegay in dowladdu ay wadatop rabitaanno u gaar ah oo aan wax dan ah aysan ugu jirin umadda Soomaaliyeed, waxaan uu ku baaqay in la eego rabitaanka  umadda, iyadoo laga fogaanayo in shacabka la qasbo.

Sidoo kale waxaa uu ku baaqay in loo dareero doorasho xor iyo xalaal ah, taasi oo uu sheegay in aysan u muuqan in ay hadda dowladdu ay ka shaqynayso taas.

Sidoo kale waxaa uu ka hadlay Shiikh Shariif guddiga doorashooyinka ee lagy muransan yahay, waxaana uu sheegay in guddigaasi aysan ahayn, kuwo lagu aamini karo ka shaqeynta doorashada dalka, waxaana intaas uu ku daray loo baahan yahay in la dhageysto baaqa Musharixiinta.

Dhanka kale waxaa uu ka hadlay siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya, waxaana uu tilmaamay Sheikh Shariif in dowladdu ay cilaaqaadkii wanaagsanaa ee ay la laheed waddamada qaar ay xumeysay, ayna ku guuldarreysatay in ay ka faa’iideysato fursadaha umadda Soomaaliyeed ay ka heli lahaayeen dowladihii ay Soomaaliya xiriirka wanaagsan ula leheed.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media