Shidaal la’aan baahsan oo ka taagan Kenya xilli dadka ay Safaf dhaadheer ugu jiraan

Shidaal la’aan baahsan oo dalka oo dhan ah ayaa ka taagan Kenya, iyadoo magaalooyinka waaweyn laga soo sheegayo in safaf dhaadheer loogu jiro xarumaha yar ee shidaalka laga soo buuxiyo.

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in ay sabab u tahay qalalaasaha caalamka ka jira ee ka dhashay duulaanka Ruushka ee Ukraine.

Gaadiidlayda ku nool magaalada Gaarisa ee gobolka waqooyi bari ee waddankan Kenya ayaa ka cabanaya shidaal yari baahsan oo soo foodsaartay kaddib markii sida ay sheegeen ay shidaal waayeen inta la heli karana uu aad u qaaliyoobay.

Darawallada gaadiidka dadweynaha ayaa intaas ku daray in qaar badan oo ka mid ah kaalmihii ay shidaalka ka iibsan jireen ay xiran yihiin taas oo ku qasabtay inay safaf dhaadheer u galaan kaalmaha furan.

Shirkadda qaran ee kaydinta shidaalka – Kenya Pipeline – ayaa sheegtay inay haysato kayd ku filan xilli shirkadda maareysa shidaalka ee EPRA ay ganacsata shidaalka uga digtay inay si sharci darro ah dadka uga iibiyaan shidaalka.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor