Sheikh Shaakir oo markii ugu horreysay warbaahinta la hadlay tan iyo markii Guriceel lagala wareegay

Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan hoggaamiyaha Ahlu-Sunna ayaa tan iyo markii lag saaray magaalada Guri-ceel ee Gobolka Galgaduud waxaa markii ugu horreysay uu ka hadlay sababaha ay uga bexeen Magalaadaasi.

Sheikh Shaakir oo Wareysi bixiyay ayaa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxaa uu ku eedeeyay in ay weerar ku qaadday Guriceel, isagoo intaa ku daray in ay Ciidan farabadan ku daabushay Magaaladaasi.

Waxaa uu sheegay sababta ay uga baxeen Guriceel in ay tahay Codsi kaga yimid ganacsatada Magaalada, Culimada iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Gobolkaasi.

Waraysiga oo uu dhinacyo badan kaga hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Dowaldda Federaalka ah ee Soomaaliya ay kula dagaalaantay Ahlu-Sunna hubkii loogu talagay in Al-shabaab lagula dagaalamo.

Hadalka Sheikh Shaakir ayaa imaanaya iyadoo maalin ka har xoogagga Ahulu-Sunna laga saaray magaalada Guriceel, kadib dagaal lagu riiqmay oo afar maalin socday, kaasi oo khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh dhaliyay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor