Sheekh Sudeys oo Maanta qaatay tallaalka Cudurka CORONAVIRUS

Madaxa Guud ee Labada Masjid ee Xaramaynka, Sheekh C/raxmaan Bin C/Casiis Bin C/llaahi Bin Maxamed Al-sudeysi ayaa ayaa qaatay tallaalka ka hortagga cudurka Covid-19.

Waxaana tallaalkan la siinayaa shaqaalaha xaramka.

Sheekha ayaa dhawaan faray in biyaha samsamka la siiyo bukaanada uu ku dhacay cudurka.

Sucuudiga ayaa bilaabay barnaamij tallaalka lagu gaarsiinayo shacabka dalkaas.

Cudurka Covid-19 ayaa fara ba’an ku hayay Sucuudiga, waxaana kiisaska la diiwaangeliyay ay gaarayaan in ka badan 385,000

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor