Sheekh Soomow oo Guddiyada Doorashada 2020/21 ugu baaqay inay is Casilaan

Sheekh C/qaadir Sheekh Maxamed Sheekh Abuukar Soomow oo kamid ah Culimada Ahlusunna Wajameeca ee Gobolka Banaadir ayaa ka hadlay khilaafka ka taagan Guddiyada doorashooyinka 2020/2021, kadib markii Maanta kulan ay la qaateen Musharaxiinta xilka Madaxweynaha.

Sheekh Soomow oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in muhiim ay tahay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay tixgeliso Cabashada Musharaxiinta ay ka qabaan Guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo heer maamul Goboleed ee la magacaabay.

Wuxuu Sheekh ugu baaqay Madaxweynaha iyo Madaxda kale ee dowladda inay sameeyaan tanaasul, isla markaana laga wada-hadal Guddiyada doorashooyinka ee walaac darran laga muujiyay, si ay u dhacdo doorasho xor oo loo dhan yahay.

Isaga oo sii hadlaayay Sheekha Soomow ayuu Guddiyada doorashooyinka iyo kuwa xalinta khilaafaadka ugu baaqay inay Is Casilaan, si uu u badbado dalka Soomaaliya, maadaama loo jeediyay eedeymo kala duwan oo ku aadan inay ka tirsan yihiin Hay’adda NISA iyo shaqaalaha dowladda Federaalka.

“Hadaad Xaakim tahay oo lagu yiraahdo noo Garsoor labada qof aad Garsooreysid mid uu ku yiraahdo cadaaladaada kuma kalsooni lama yiraahdo khasab waaye anaa ku xukumaayo Guddiga Doorashooyinka ee la magaacabay waxaan u soo jeedineynaa inay is casilaan” ayuu yiri Sheekh C/qaadir Soomow.

Ugu dambeyn Sheekh C/qaadir Sheekh Maxamed Sheekh Abuukar Soomow ayaa Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada ugu qeylo dhaamiyey inay ka shaqeeyaan nabadgalyada iyo sidii ay u dhici laheyd doorasho xalaal ah oo ku dhacda waqtigii loogu tala-galay, lana fogaado wax kasta oo keeni qalaalo siyaasadeed.

Si kastaba hadalka Sheekh Soomow ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo khilaaf xoogan uu ka taagan yahay Guddiyada doorashooyinka ee 2020/2021 ee la magacaabay, isla markaana  Musharaxiinta ay siweyn uga soo horjeedan Guddiyada, iyagoona ku tilmaamay inay ku jiraan xubno ka tirsan NISA iyo shaqaalaha dowladdda Federaalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media