Sheekh Soomaali ah oo Kenya ugu geeriyooday Xanuunka Covid 19

Magaalada Nairobi caasimadda dalka Kenya ayaa lagu soo waramayaa in uu ku geeriyooday Sheekh Soomaali ah oo can ka ahaa Xaafadda Soomaalidu ku badantahag ee Islii.

Allaha u Naxariistee Sheekhaan ayaa lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Yuusuf oo uu ka mid ahaa culumaa’uudiinka aadka looga yaqaano xaafadaas iyada oo maalmihii lasoo dhaafay uu xanuunsanayay caabuqa Corona kuna geeriyooday Isbitaal ku yaalla Nairobi.

Waa qofkii labaad oo Soomaali ah isla markaana Kenya ugu geeriyooday xanuunka Adduunka dhibaatada ku haya ee Corona,iyada oo ganacsada Soomaali ah uu ka horeeyay Sheekhaaan Shalay ku geeriyooday Nairobi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media