Sheekh Shariif oo War kasoo saaray Colaada kasoo cusboonaatay Galmudug

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay xaaladda Colaadeed ee maalmihii lasoo dhaafay kasoo cusboonaatay dowlad Goboleedka Galmudug.

Qoraal uu soo saaray Sheekh Shariif ayaa waxaa uu ku sheegay inuu aad uga xun yahay dagaalka iyo Colaada kasoo cusboonaatay deegaanka Bohol iyo Magaalada Guriceel ee u dhexeeysa Ciidanka Galmudug iyo kuwa Ahlusunna Waljameeca oo dib loo abaabulay.

Sheekh Shariif ayaa ku baaqay in si shuruud la’aan ah loo joojiyo Colaada Galmudug ee u dhexeeysa Galmudug iyo Ahlusunna, isla markaana wax kasta oo khilaaf ah lagu dhammeeyo wadahadal, si uusan u daadan dhiig.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday inay xoojiyaan nabadda, kana feejignaadan wax kasta oo keeni kara inuu daato dhiig Soomaaliyeed, lana joojiyo  abaabulka iyo dagaalka.

Xiisad u dhexeeysa Ciidanka Galmudug iyo kuwa Ahlusunna Waljameeca ayaa kasoo cusboonaatay Galmudug, iyadoona dhinacyada uu dhexmaray dagaal khasaaro dhaliyey, sidoo kalena Ahlusunna ay qabsadeen gacan ku heynta Magaalada Guriceel.

Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Sheekh Shariif

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor