Sheekh Shariif oo si kulul uga hadlay Qaraxii dadka ay ku dhinteen

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa si kulul u Cambaareeyay Qaraxii Khasaaraha geystay ee saakay ka dhacay deegaanka Xaawa Cabdi ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Qoraal uu soo saaray Sheekh Shariif ayuu sheegay inuu aad uga xun yahay qarixii lala eegtay dad shacab ah oo saarnaa Gaari nooca dadweynaha raacaan ee Hoomey-da ah, wuxuuna qaraxu qabsaday xili ay marayeen xaawa Cabdi, iyagoo kusii jeeday Gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa tacsi u diray Ehelada iyo Qaraabadii ay ka dhinteen dadkii saakay lala eegtay qarax miino ah, wuxuuna ku dhaawacmay uu Alle uga baryay inuu siiyo Caafimaaad Deg deg ah.

“Waxaan murugada la qeybsanayaa, islamarkaana u tacsiyeynayaa ehellada ay ka dhinteen dadkii ay maanta lagub xasuuqay deegaanka Xaawa Cabdi ee duleedka Magaalada Muqdisho” ayuu yiri Sheekh Shariif.

6 ruux ayaa ku geeriooday qaraxaas, halka 7 qof kalena dhaawacyo ay soo gaareen, waxaana dadka dhaawacmay laba kamid ah xaaladood Caafimaad ay halis tahay, sida uu sheegay Agaasimaha guud ee Isbitaalka Madiina Dr. Maxamed Yuusuf.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media