Sheekh Shariif oo kulan la qaatay Safiirka Midowga Yurub ee Somalia

Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ahna Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa Maanta Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Midowga ee Soomaaliya Ambassador Nicolas Berlanga.

Kulnaka u dhexeeyay Guddoomiyaha Madasha iyo Safiir Nicolas Berlanga ayaa waxaa looga hadlay Arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin Ilaalinta Dastuurka iyo dhowrista xuquuqda Muwaadinka.

Sidoo kale kulanka Sheekh Shariif uu la qaatay Safiirka Safiirka Midowga ee Soomaaliya ayaa waxaa ku wehlinayay xubno ka tirsan Mdasha Xisbiyada Qaranka, iyagoo Safiirka uga mahadceliyay taageerida Arrimaha Soomaaliya.

Qodobada kulanka looga hadlayaa oo ka kooban Afar qodob ayaa waxaa kamid ahaa.

  1. Ilaalinta Dastuurka iyo dhowrista xuquuqda muwaadinka.
  2. Qabsoomidda doorasho xor iyo xalaal ah xilligii loo asteeyay, aysanna dhicin wax mudo kordhin ah.
  3. Xaqiijinta kuraasta loo qoondeeyay haweenka
  4. Iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa ka hortagga iyo la tacaalidda cudurka CoronaVirus.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media