Sheekh Shariif oo farriin kasoo saaray bilaabashada Doorashada Golaha Shacabka

Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa mar kale ka hadlay bilaabashada Doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad oo labadii Xildhibaan ee ugu horreeyay ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland shalay lagu doortay Magaalada Muqdisho.

Sheekh Shariif ayaa marka hore sheegay in bilowga doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay tahay yididiilo wanaagsan iyo tallaabo hore loogu qaaday sii amba qaadida doorashada dalka ka dhaceysa.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in lasii dardar-geliyo doorashada Golaha Shacabka, isla markaana soo jeediyay in la fogaado wax kasta oo keeni kara in waqti kale lumo ama dhaawac soo gaara daah furnaanta doorashada.

“Waxaan u baahan nahay in lasii dardar-geliyo doorashada Golaha Shacabka, waxaana soo jeedinayaa in laga fogaado wax walba oo keeni kara in waqti kale inuu naga lumo ama dhaawici kara daah furnaanta doorashada” ayuu yiri Sheekh Shariif Sh Axmed.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacday doorashada kuraastii ugu horreeysay ee Golaha Shacabka, waxaana Xildhibaanka koowaad ee Golaha Shacabka noqday Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, halka Xildhibaanka labaad loo doortay Bixii Iimaan Cige oo afartii sanno ee lasoo dhaafay Xildhibaan ahaa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor