Sheekh Shariif oo Dhambaal u diray Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Doorashooyinka

Guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta ahna Madaxweynihi hore ee dalka Sheekh Shariif  Sheekh Axmed ayaa u hambalyeeyay Muuse Geelle Yuusuf oo loo doortay Guddoomiyaha cusub ee Guddiga doorashooyinka heer Federaal.

Sheekh Shariif ayaa Alle uga baryay Guddoomiye Muuse Geelle inuu la garab gali mas’uuliyadda culus ee Maanta xubnaha Guddiga doorashooyinka ugu doorteen inuu noqdo Guddoomiyaha hoggaami doona Guddigaas.

“Waxaan Hambalyo u dirayaa Guddoomiyaha la doortay ee Guddiga doorashooyinka heer Federal Mudane Muuse Geelle Yuusuf, waxaan eebbe uga baryayaa in uu la garab galo mas’uuliyadda culus” ayuu yiri Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha.

Wuxuu intaas kusii daray Sheekh Shariif “Guddiga doorashada heer Federaal iyo guddiyadda doorashooyinka heer dowlad gobol waxaa saaran xil weyn oo ah in ay hogaamiyaan doorasho daah furan oo dalka ka saarta xaaladda adag ee kala guurka ah, waxaana Guddoomiye Muuse u rajeynayaa in uu qaato kaalin hogaamineed oo hufan”.

Muuse Geelle Yuusuf ayaa Maanta loo doortay Guddoomiyaha cusub ee Guddiga doorashooyinka heer Federaal, kadib doorasho adeg oo ka dhacday Xarunta Teendhada Afisyooni, isagoo bedelaya Maxamed Xasan Cirro oo xilkii laga qaaday…

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor