Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo Dalab muhiim ah hordhigay MD Farmaajo

Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa habeenkii xalay aheyd caddeyney mowqifka Madasha xisbiyada qaran  ee ku aadan xaaladda guud ee dalka.

Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo si wadajir ah warbaahinta ula hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in Madaxda sare ee dalka ay ka gaabiyeen wixii loo igmaday iyo mas’uuliyaddii qaran ee lagu aaminay, gaar ahaan maareynta marxaladda kala guurka ee doorashooyinka.

Sidoo kale labada Madaxweyne hore ee dalka ayaa ku eedeeyay Madaxda dowladda in aysan wanaajin mudda ay xilka hayaan xiriirka dowlad goboleedyada dalka iyo hirgalinta nidaamka federaalka, xiriirka arrimaha dibadda, gaar ahaan isdhexgalka la sheegay inuu dhexmarayo Itoobiya, Soomaaliya iyo Eritrea.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayay ugu baaqeen inuu shacabka horyimaado oo uu u caddeeyo mowqifkiisa, islamarkaana uu faragelinta ka daayo Guddiga doorashada, iyo goloyaasha sharci dejinta.

Ugu dambeyn Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ayaa shaaciyay inay soo dhaweynayaan Qoraalkii kasoo baxay Golaha Aqalka Sare ee dalka, kaasi oo Dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada dalka loogu baaqay inay Shir Deg deg ah isugu yimaadan si looga hadlay Arrimo kala duwan oo ugu weyn tahay Doorashada dalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media