Sheekh Shariif iyo Safiirka UK ee Somalia oo ka wada hadlay Arrimo muhiim ah

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa kulan Khadka teleefanka la qaatay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Amb Ben Fender.

Sheekh Shariif iyo Safiirka Ingiriiska ayaa ka wada hadlay Arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin diyaar garowga doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo dhamaanka sanadkan 2020/2021 iyo Arrimo kale.

Sdioo  kale labada dhinac ayaa ka wada hadlay la tacaalista Cudurka halista ee Coronavirus, xiriirka dowladda dhexe iyo maamulada xubnaha ka ah, iyo dib u heshiisiinta ay hirgaliyeen maamulada Galmudug iyo Jubaland.

War qoraal oo uu soo saaray Sheekh Shariif ayuu ku sheegay in isaga iyo Safiirka Ingiriiiska  ay isla soo hadal qaadeen Arrinta Soomaaliya iyo Somaliland oo soo biloowday xilligii uu Shariif xafiiska joogay, maantana hakad weli ku jira.

Ugu dambeyntii Sheekh Shariif iyo Safiir Amb Ben Fender ayaa isla gartay abuurista jawi degan iyo siyaasad loo dhan yahay inay tahay xalka kaliya ee lagu gaari karo hanaan doorasho oo xor ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media