Sheekh Shariif “DFS awood badan uma lahan ka hortaga Coronavirus”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa waxaa uu hadlay xaladda dalka ee ku aadan Cudurka halista ah ee Coronavirus oo kiisas farabadan laga helay gudaha Muqdisho  iyo Magaalooyin kale oo ka tirsan dalka.

Sheekh Shariif oo War qoraal ah bartiisa Facebook kusoo qoray ayaa waxaa uu ku sheegay in Khatarta Coronavirus ee dalka Soomaaliya ay haatan mareyso xaalad adeg oo u baahan in la qaato talooyinka dhakhaatiirta Caafimaadka ay jeedinayan sida:-

  1. Sanka & afka oo la xirto,
  2. gacmaha oo saabuun lagu dhaqo,
  3. Gacmaha oo laga ilaaliyo afka, sanka & indhaha
  4. iyo in la kala fogaado ugu yaraan laba mitir.

Sidoo kale Shariif ayaa waxaa uu sheegay in Cudurka COVID-19 uu yahay xaalad adeg oo ay wax qaban waayeen dowladahii aduunka ugu awoodda badnaa, isla markaana Cudurka uusan laheyn daawo loo isticmaalo.

Ugu dambeyn Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa waxaa uu tilmaamay in dowladda Soomaaliya aysan awood badan u laheyn ka hortagga cudurkaan, hayeeshee waxaa uu xusay in hadii si wadajir ah loo kaashado fariimaha Caafimaadka laga guuleysan karo xakamaynta faafista cudurkan

Tirada guud ee  dadka laga helay Cudurka Coronavirus ee dalka ayaa gaartay 480 Qof, waxaana Cudurka ugu geeriyooday dalka 26 Ruux, kuwaasi oo u badnaa bukaano Cudurka uu ku dhacay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media