Sheekh Shariif “Dadkeena ma xamili karaan dib u dhac Doorasho oo intaan ka badan”

Madaxweynihi hore ee dalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta ahna Sheekh Shariif Sh Axmed =ayaa soo dhoweeyay dhameystirka doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Sheekh Shariif oo Qoraal soo saaray ayaa tallaabo kale oo horay loo qaaday ku tilmaamay in Maanta la soo gabo-gabeeyay doorashada xubnaha Aqalka sare ee Baarlamaanka oo labadii Senator ee ugu dambeeyay lagu doortay Dhuusamareeb.

“Waxaan u hambalyaynayaa labada xubnood la doortay oo ahaa kuwii ugu dambeeyay xubnaha Aqalka sare ee Baarlaamanka 11-aad ee Soomaaliya, waxaan ugu hambalyaynayaa guddiyadda doorashooyinka, Ergada iyo Hoggaanka siyaasadda gobolada Waqooyi, Baarlamaanada iyo Madaxweynayaasha dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya guusha laga gaaray dhameystirka Aqalka sare ” ayuu yirri Shariif Sheekh Axmed.

Shariifka ayaa mar kale Madaxda maamul Goboleedyada ugu baaqay in la dedejiyo bilaabashada doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka, isla markaana aanu waqti la lumin, lana soo dhameytiro doorashada kahor dhammaadka bisha soo socota ee December.

“Waxaan markale ku baaqayaa in la dedejiyo doorashada Xildhibaanada Golaha shacabka, waa in aanu waqti kale lumin oo la soo dhameystiro ka hor dhammaadka bisha December ee soo socota, dadkeena ma xamili karaan dib u dhac doorasho oo intaan ka badan” ayuu Qoraalkiisa kusoo gaba-gabeeyay Sheekh Shariif Sh Axmed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor