Sheekh Shariif “Bilaabida Doorashada Golaha Shacabka waa tallaabo horay loo qaaday”

Guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta ahna Madaxweynihi hore ee dalka Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa soo dhoweeyey doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee Maanta ka bilaabatay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Sheekh Shariif ayaa hambalyo u diray laba Xildhibaan oo kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland oo lagu doortay Muqdisho, kuwaasi oo kala ah Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo noqday Xildhibaankii ugu horreeyay ee Golaha Shacabka iyo Biixi Iimaan Cige oo afar sanno Xildhibaan ahaa.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sh Axmed ayaa tilmaamay in bilaabida doorashada Xildhibaanada Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland ay tahay tallaabo horey loo qaaday.

“In la gudo galo doorashada Xildhibaanada Golaha shacabka BFS lagana bilaabo xubnaha matalaya gobolada Waqooyi ee dalka waa talaabo hore loo qaaday” ayuu ku yiri Sheekh Shariif oo Qoraal soo saaray.

Shariifka ayaa boggaadiyay Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Ra’iisul wasaare ku xigeenka xilgaarsiinta Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed iyo Guddiga Doorashada gobolada Waqooyi oo qaaday talaabo wadajir oo horay loogu socdo Doorashada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

“Waxaan rajeynayaa in Doorashada Golaha Shacabka ee bilaabatay la dardar galiyo sida ugu dhaqsaha badanna u guda  galaan Dowlad goboleedyada” ayuu kusoo gaba-gabeeyay Qoraalkiisa Guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta ahna Madaxweynihi hore ee dalka ee uu hadlaayay doorashada Maanta bilaabatay…

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor