Sheekh Shaakir oo Eedeeyn Culus u jeediyay Dowladda Federaalka

Madaxii hore ee Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir kana mid ah hoggaamiyeyaasha sare ee Culimada Ahlusunna Waljameeca ayaa ka hadlay arrimo siyaasadeed oo ku aadan Galmudug.

Sheekh Shaakir oo isaga oo ku sugan Magaalada Nairobi oo wareysi siiyay laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa waxaa uu marka hore sheegay in hoggaanka Ahlusunna ay Kenya u joogaan howlo shaqo oo muhiim ah.

Waxaa uu sheegay Sheekh Shaakir in Nairobi ay kula kulmeen xubno ka tirsan Beesha Caalamka iyo Ganacasato kala duwan, isla markaana ay ka wada hadleen  arrimo ku aadan Siyaasadda dowlad Goboleedka Galmudug  iyo arrimo kale.

Isaga oo sii hadlaayay ayuu Sheekh Shaakir sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaanka Ahlusunna Waljameeca ay heshiis ku wada gaareen in la dhiso Galmudug Cusub oo loo dhaqan yahay, balse arrintaas aysan dhicin, wuxuuna xusay in Ahlusunna aysan markii hore dooneyn in Khilaaf dhaco.

Waxaa kaloo uu Madaxda dowladda Federaaka ku eedeeyay in Galmudug ay ka doonayan danno gaar ah, isla markaana aysan diyaar u aheyn in la helo Galmudug mideysan oo loo dhan yahay waa sida uu hadlka u dhigay.

Dhinaca kale Madaxii hore ee Xukuumadda Galmudug ayaa waxaa uu ku baaqay in la joojiyo dagaal beeleedyada xiliyada qaar ka dhaca deegaanada Galmudug, wuxuuna Odayaasha dhaqanka uu dalbaday inay arrintaas u istaagaan.

Si kastaba hoggaanka sare ee Ahlusunna Waljameeca oo in muddo ah xarun u aheyd Caasimadda dowlad goboleedka Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa halkaas looga saaray dagaal xoogan oo ay la galeen Ciidanka dowladda, iyagoona markii dambe si toos ah warbaahinta uga shaaciyay inay ka tanaasuleen siyaasadda Galmudug.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media