Sheekh Shaakir oo DF ku Eedeeyay inay xoreyn wayday degaano ay heystaan Al-shabaab

Hoggaamiyaha Ahlusunna Waljameeca Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa ka hadlay gulufka dagaalan ay ka wadaan deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud, kadib markii hoggaanka Ahlusunna laba sanno kadib uu halkaas dib ugu laabtay.

Sheekh Shaakir oo wareysi siiyay mid kamid ah Telefashinada ku hadla Afka Soomaaliga ayaa waxaa uu sheegay in ujeedka gulufka dagaalan ay ka wadaan Galmudug uu yahay mid ay ku doonayaan inay kula dagaalamayaan Al-shabaab.

Waxaa uu sheegay Sheekh Maxamed Shaakir in dib ugu soo laabashadooda Galmudug ay ka dambeysay, sida uu tilmaamay inay u yeereen dadka deegaanka, isla markaana ay ka dalbadeen la dagaalanka Al-shabaab oo deegaano dhowr ah qabsaday.

Ciidanka gulufka dagaal wada ayuu Sheekha ku sheegay inay yihiin kuwii hore uga tirsanaa Ahlusunna Waljameeca ee ku biiray Ciidanka dowladda, wuxuuna xusay inay rabaan xoreynta deegaano laga heysto, isagoona ku eedeeyay dowladda Federaalka inay xoreyn wayday dhulka shabaab ay ka joogaan Gobolada Mudug iyo Galgaduud, waa sida uu yiri.

Isaga oo sii hadlaayay Sheekh Shaakir ayaa waxaa uu dowladda Federaalka ugu baaqay inay maamul Goboleedyada ka taageerto la dagaalanka Al-shabaab, balse aan looga baahneynin in deegaanada maamulada geyso Ciidano danno gaar ah ay ka leedahay.

Sheekh Shaakir ayaa Carabka ku dhuftay in hub iyo gaadiid dagaal ay Puntland ku taageertay Galmudug lagu xareeyay Garaash ku yaalla Magaalada Dhuusamareeb, isagoona xusay in markii ay degaanka yimideen lala soo aaday, taasi oo ku tilmaamay nasiib daro.

Si kastaba degaano ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa waxaa ka taagan xiisad u dhexeeya Ciidanka Galmudug iyo kuwa Ahlusunna Waljameeca oo qabsaday Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud iyo deegaanka Ceeldheere oo ku dhow Dhuusamareeb.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor