Shaqo ka banaan Telefashinka Dalsan

Dalsan TV waxaa kabanaan shaqo “Video editor/Graphic Designer” ah, taas oo qofka doonaya looga baahanyahay shuruudaha hoos kuxusan.

Waqtiga xayaysiiska ku egyahay: Khamiis, 25 March 2021

Jagada laxayaysiinayo: Muuqaal Tifaftire iyo Naqshadeeye

Xarunta: Dalsan TV Mogadishu.

Goobta Shaqada: MOGADISHU

Waqtiga xayaysiiska lasameeyay iyo waqtiga uu ku egyahay 16 March 2021 – 25 March 2021

Shuruudaha Shaqsiga looga baahanyahay.

  • Shahaado jaamacadeed ee laxiriirta shaqada laxayaysiiyay ama mid udhiganta.
  • Ugu yaraan 2 sano oo ah naqshad muuqaal iyo khibrad tafatirka fiidiyowga ah
  • Aqoonta qaab-dhismeedka, aasaaska garaafka,(Graphic Designer), tafatirka fiidiyowga iyo aqoonta ku shaqeynta website-ka.
  • Kushaqeynta applications-ka lagu sameeyo muuqaalada sida, Adobe-ka qeybihiisa kala duwan, photoshop-ka iyo kushaqeynta Microsoft Word, Excel iyo PowerPoint.
  • In uu leeyahay karti uu kusameen karo shaqada loo igmaday waliba mudada loo cayimay.
  • In uu leeyahay xiriir wanaagsan ee dhankasta, waliba in uu xiriir calami ah sameen karo hadii loo baahdo.
  • In uu awood uleeyahay daabacaadda iyo qaabeynta webka iyo lashaqeynta qeybaha kala duwan ee warbaahinta
  • Dabeecad wanaag iyo lashaqeynta dabeecadaha kala duwan.
  • In uu aqoon u leeyahay HTML.

Waqtiga Shaqada

08:00am-08:00pm, iyo sedex bilood oo heshiis ah.

Hadii shaqsiga shaqadiisa wanaagsanaato sanad heshiis oo ay lasocoto kordhin sanad kale ayaa jiri doonta

Halka aad codsigaaga kusoo dirayso

Fadlan kusoo hagaaji CV, “[email protected]” ciwaanka shaqadana waxaad ka dhigaysaa Muuqaal Tifaftire iyo Naqshadeeye, kuna soodar magacaaga iyo passport kaaga, ama aqoonsiga muwaadinimo.

FG: Waxaa lala soo xiriirdoonaa kaliya dadka lasoo xushay, si loogu yeero waraysi shaqada ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor