Shacabka Dowlad Deegaanka Soomaalida oo Maanta u dareeray Doorasho

Dadka Dowlad Deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya ayaa manta oo khamiis ah u dareeray goobaha cod-bixinta si ay codkooda uga dhiibtaan doorashada guud ee waqtigeedii dib uga dhacday.

Magaalada Jigjiga ee caasimadda deegaankaasi ayaa dadka ku nool waxa ay haatan bilaabeen inay u soo baxaan doorashada si ay codkooga uga dhiibtaan doorashada wakiillada golaha deegaanka iyo xildhibaannada deegaankaasi ku matali doona baarlamaanka federaalka ee Itoobiya.

Waa doorashadii ugu horraysay ee deegaankaasi ka dhacda tan iyo markii uu isbadelka ka dhacay waddankaasi oo uu awoodda la wareegay Ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Sawirro lasoo qaaday ayaa waxaa lagu arkayay boqolaal dad oo safaf dhaadheer ugu jira goobaha cod-bixinta si ay codkooda uga dhiibtaan doorashada guud ee waqtigeedii dib uga dhacday.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor