Shacabka dalka Mareykanka oo farriin  adag loo diray

Joe Biden oo ku sugan magaalada Wilmington ee gobolka Delaware ayaa hadalkan jeediyay maalin ka hor Ciidda isu mahadcelinta ee Thanksgiving-ka oo ku beegnayd Khamiista Shalay ahayd, waxuuna ballan qaaday inay jirto rajo dhab ah oo ku xiran in dhibaatada aysan waligeed sii jiri doonin.

Waxuu sheegay in Tallaalkii ugu horreeyay ee lagula dagaallamayo Coronavirus la heli doono dhamaadka bisha December xilligaas oo guud ahaan dadka sida ugu dhaqsiyaha badan loo tallaali doono.

Hadlka Biden ayaa kusoo beegmaya iyadoo milaayiin dadka ah ay safarro ugu jiraan Ciidda Thanksgiving-ka xillia si xooggan ay u kordhayso tirada dadka u dhimanaya xanuunka COVID19 iyo kuwa isbitaallada lagu daweynayo ee gudaha Mareykanka oo gaartay heerkii ugu sarreeyay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media