Shacabka Armenia  oo Cambaareeyay heshiis ay ku tilaameen Khiyaano

Ra’iisul wasaaraha Armenia, Nikol Pashinyan, ayaa iska-dhega-tIray waqti kama dambays ah oo ay u qabteen dibadbaxayaasha ku sugan caasimadda waddankaasi ee Yerevan si uu xilka u banneeyo, arrintaan oo timid kaddib markii uu ogolaaday heshiis lagu soo afjaraayay dagaalkii ka socday gobolka Nagorno-Karabakh.

Cadaadis ka yimid asxaabta mucaaradka kaddib ayaa waxaa la filayaa in baarlamaanka Armenia uu kulan gaar ah ka yeelan doono mustaqbalka siyaasadeed ee Nikol Pashinyan.

Heshiiska uu Ruushka garwadeenka ka ahaa ayaa waxa uu dhigayaa in Azerbaijan ay haysato deegaannada ay qabsatay.

Boqollaal ciidammada Ruushka ee nabad ilaalinta ayaa la geeyay aagga lagu muransan yahay.

Madaxweynaha Turkiga ayaa Arbacadii sheegay inuu heshiis la saxiixday Ruushka kaas oo uu qeyb kaga noqonayo “ciidammada wadajirka ah ee nabad ilaalinta” si ay heshiiska u dhowraan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media