Sh. Aadan Madoobe oo guddoomiyey kulan laga yeeshay sugida amniga maalmaha xorriyadda

Ku-simaha Madaxweynaha dalka ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Sh Aadan Madoobe ayaa shir gudoomiyey kulan looga hadlaayey Amniga guud ee dalka iyo u diyaar garowga maalmaha xorriyadda.

Kulanka oo diirada lagu saaray xaaladda Amniga dalka gaar ahaan ka shaqeynta maalmaha xoriyadda iyo sidii ay ugu  qabsoomi lahaayeen  si nabad ah, kulanka  oo ay  goobjoog ka ahaayeen saraakiisha Amniga qeybahooda kala duwan.

Ku-simaha Madaxweynaha dalka ahna Guddomiyaha Golaha Shacabka ayaa laamaha Amaanka faray inay muujiyaan feejig naan dheeraad ah inta lagu guda jiro maalmaha xorriyadda, isla markaana la xoojiyo sugida ammaanka Magaalada Muqdisho.

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa lagu wadaa inay maalmaha soo socda ka dhacaan munaasabaddo waaweyn oo loogu dabaa-degayo xuska sanad-guurada 62aad ee maalmaha xorriyadda ee 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor