Senator loo doortay Aqalka Sare oo shaaciyay inuu isku day Dil ka badbaaday

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo shalay loo doortay inuu noqdo Senator ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyay inuu ka badbaaday isku day dil.

Qoraal uu soo saaray Prof. Cabdi Ismaaciil ayuu ku sheegay inuu ka badbaaday isku day dil bahalnimo ah oo wax uu ugu yeeray argagaxisada ku sheegay inay isku dayday falkaas oo uusan sheegin goobta uu ugu badbaaday.

Senator-ka dooran ee Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa sheegay inuu u shaqeyn doono qaranka Soomaaliya, isla markaana aan loogu hanjabi karin dil, waa sida uu ku sheegay Qoraal uu kusoo qoray bartiisa gaarka ah Cabdi Ismaaciil.

“Alhamdulilah waxaan ka badbaaday isku day dil bahalnimo ah oo ay argagaxisadu isku dayday balse kuma guulaysan iiguma caga juglaynkartaan dil waana ushaqayn doonaa qarankayga intaan noolahay inshallaah” ayuu yiri Qoraalka Prof. Cabdi Ismaaciil.

Shalay ayey markii Senator ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya loo doortay Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar, wuxuuna kusoo baxay codad gaaraya 25 cod, waxaana doorashada kursigaas la galay laba wareeg oo doorasho ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor