Senatorkii Lixaad ee Aqalka Sare ee Jubbaland oo Goor dhow lagu doortay Kismaayo

Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa goordhow Magaalada Kismaayo ku doortay Senatorkii lixaad Aqalka Sare ee Maamulka Jubbaland ku metalaya Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Daoorashada kursiga Lixaad ayaa waxaa ku tartamay Musharaxiinta kala ah Ibraahim Awgaab Cismaan iyo Farxiya Macalin Cabdi, waxaana doorashada ku guuleystay Ibraahim Awgaab Cismaan oo helay Codad gaaraya 57 .

Musharax Farxiya Macalin oo laga guuleystay ayaa heshay Codad gaaraya 14 Cod, waxaana Ibraahim Awgaab Cismaan uu noqday Senatar Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, isagoo ku biiray Senatorada lagu doortay Kismaayo.

Doorashada kursiga Lixaad ayaa aheyd mid hal wareeg ah oo aan loo baahan wareeg labaad, isla markaana waxaa halaabay hal Cod oo kaliya, sida uu natiijada doorashadii dhacday ku dhawaaqay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland.

Maamulka Jubbaland ayaa noqon doona maamulka afaraad ee dhameystira doorashada kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana horey u dhameystiray maamulada Puntland, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor