Senator-kii 7-aad ee Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi oo la doortay

Waxaa Goordhaweyd Xarunta Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho ka bilaabatay doorashada shanta kursi ee ka harsan kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Ergada doorashada Somaliland ayaa mar kale Saciid Cabdi Xasan Cowke u doortay inuu noqdo Senatar ka tirsan Aqalka Sare, waxaana loogu codeeyay Cod gacan taag ah, kadib markii uu tanaasulay Musharaxii la tartamayey ee Jaamac Cabdullaahi Maxamed.

Guddoomiyaha Guddiga maamulaya doorashada Somaliland ayaa ku dhawaaqay in Saciid Cabdi Xasan uu noqday Sanatorkii 7-aad ee Gobolada Waqooyi ku metalaya Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Doorashada kursiga 8-aad ayaa goor dhow la guda galay, isla markaana waxaa ku tartamaya Musharaxiinta kala ah Muno Cumar Xasan, Naciimo Xasan Xaaji iyo Sucaad Xasan Maxamed, waxaana kursigaas difaacaneysa Muno Cumar.

Doorashada ka socota Xarunta Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa goobjoog ka ah Ergada doorashada, Guddiyo ka kala socda kuwa doorashooyinka heer Federaal, Wakiilo Caalami ah iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor