Senataro kasoo horjeestay Warqadii kasoo baxday Guddoomiye Cabdi Xaashi

Kulan maanta ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho qaar kamid ah Senatorada Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayay kaga soo horjeesteen warqadda kasoo baxday Guddoomiye Cabdi Xaashi ee waxba kama jiraan loogu sheegay xeerarka 4-ta ah oo laba kamid ah ay meel mariyeen Golaha shacabka ee baarlamaanka soomaaliya midna uu socdo dooddiisa.

Xeerarka ay meel mariyeen golaha shacabka ah ayaa kala ah xeerka qoondada haweenka iyo xeerka asteynta kuraasta gobalada waqooyi, waxaana socda dooddiisa xeerka matalaadda Gobolka Banaadir.

Senator ayuub ismaaciil yuusuf oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in sharciga doorashooyinka xeerarka kaabaya ay yihiin kuwa sharci ah maadaama Guddoonnada labada aqal ay si wadajir ah umagacaabeen guddiga isku dhafka ah ee soo diyaarinta xeerarka hoos imaanaya sharciga doorashooyinka qaranka 28ka bishii Febraayo ee sanadkaan.

Intaa waxa uu raaciyay senator ayuub in waqadda uu soo saaray Guddoomiye cabdi xaashi aysan raalli kawada ahayn senatorada Aqalka sare ee Baarlamaaka, isla markaana la doonayo in lagu dumiyo Aqalka Sare.

Senator Jawaahir Axmed Cilmi oo ah Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga soo diyaarinta xeerarka sharciga doorashooyinka ayaa waxa ay shaaca ka qaaday in shacabka soomaaliyeed ay u sheegayaan in xeerarka la horgeeyay golaha shacabka ay yihiin kuwii saxda ahaa oo muddo laba bil ka badan ay socotay diyaarintiisa.

Senator Jawaahir ayaa sidoo kale sheegtay in dad dano gaar ah leh ay soo direen warqaddii kasoo baxay Xafiiska Guddoomiye Cabdi Xaashi, isla markaana aysan la qabin warqaddaasi Guddoomiye Xaashi.

Senataradaan ayaa si wadajir ah u sheegay in Guddoomiye Cabdi Xaashi uu jebiyay xeer hoosaadka iyo dastuurka isla markaana ay qalad tahay in go’aan keligiisa ah uu gaaro.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media