Senataro ka tirsan Aqalka Sare oo Eedeeyn u jeediyay Guddoomiye Cabdi Xaashi

Waxaa Maanta lagu waday in Senatarada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay yeeshaan kulankii ugu horreeyay ee Kal-fadhiga 7-aad ee Golaha, hayeeshee waxaa uu baaqday.

Ajendaha kulankaas ee Golaha ayaa waxaa uu ahaa wax ka bedel lagu sameeyo xeer hoosaadka Golaha Aqalka Sare si shirarka Aqalka Zoom loogu dhigo, balse waxaa uu u baaqday dib markii ay ku kala qeybsameen Guddoonka iyo Senatorada Aqalka.

Senataro ka tirsan Golaha Aqalka oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen inay is hor istaag ku sameeyeen kulankii Caadiga ahaa ee Maanta, iyagoo faah faahin ka bixiyay sababta keentay arrintaas.

Sababta ay u baajiyeen kulanka Golaha Aqalka Sare ee Maanta ayaa waxaa ay ku sheegeen inay tahay, kadib markii ay War heleen in kulanka Aalada Zoomka lagu qaban rabo, sidaasina ay u baajiyeen.

Sanetarada qaar ayaa Gudoonka Golaha Aqalka ku eedeeyay in ay carqalad ku yihiin ansixinta sharciyada Doorashooyinka, xili lagu waday inuu furmo fadhiga guud ee Golaha, iyagoona sharci ku tilmaamay Go’aankii uu saaray Guddoomiye Cabdi xaashi ee shirka la isugu  yeeray Dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media