Seddex kursi oo maanta lagu dooranayo Magaalada Muqdisho

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho lagu qaban doonaa doorashada  seddex kursi, oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo matali doona Gobolada Waqooyi.

Doorashada ayaa si gar ah loogu qaban doonaa Dugsiga tababarka Ciidanka Booliiska Gen. Kaahiye, waxaana Musharixiinta iyo qaybaha kale lagu wargaliyay in ay soo xaadiraan xarunta lagu qabanayo doorashada Seddexda kursi ee Somaliland ku matali doona Baarlamaanka 11aad.

Kuraasta maanta la qorsheeyay ee la dooran doono ayaa kala ah: HOP#037, HOP#238 iyo HOP#244, waxaana shaaciyay Guddiga doorashada Gobolada Waqooyi 0

Seddexda kursi  manta la dooran doono ayaa waxaa horay ugu kala fadhiyay Huda Axmed Cali, Siciid Maxamed Maxamuud Xayd iyo Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir, kuwaasi oo Somaliland ku matalay seddexda kursi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor