Saxiibada Beesha Caalamka oo kulan khadka Internet-ka ah la yeeshay Madaxweynaha Hirshabeelle

Saaxiibbada Soomaaliya ee Caalamka ayaa maanta kulan khadka Internet-ka ah la yeeshay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, waxaana ay kala hadleen arrimo ku aaddan doorashada xubnaha aqalka sare ee kasocota Magaalada Jowhar ee xarunta u ah Maamulkaasi.

Saaxiibada Beesha Caalamka ayaa  waxaa ay soo dhoweeyeen dadaalada Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen ee ku aaddan dhammeystirka doorashada xubnaha Aqalka Sare u matalaya Hirshabeelle iyo dardargelinta doorashooyinka Golaha Shacabka.

Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay dadaalladiisa joogtada ah ee uu ku gaarayo dhammaan beelaha iyo sida ay uga go’an tahay in la xaqiijiyo qoondada haweenka ee boqolkiiba 30-ka ah ee baarlamaanka Soomaaliya.

Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa ka socda doorashada kuraasta Aqalka sare, ee xubnaha baarlamaanka soo socda kasoo galaya Hirshabeelle,waxaana Magaalada Jowhar ee xarunta maamulkaasi lagu doortay inta badan kuraastaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor