Sawirro:-Yaxye Sheekh Caamir oo ka badbaaday qarixii dabka

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya laba qarax oo Goordhow ka dhacay meel u dhow Isgoyska dabka ee Magalada Muqdisho,kuwaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Qaraxyada oo ahaa laba gaari ayaa waxaa la sheegay in mid ka mid ah oo ahaa saaruf uu lahaa Pro Yaxye Sheekh Caamir oo ka mid ah Macalimiinta Jaamacadda Somalia ahna falanqeeye.

Gaariga Pro Yaxye ayaa Dalsan waxa loo xaqiijiyey inuu waday walaalkiis,isla markaana uu ku geeriyooday qaraxaas.

Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa dowladda ayaa gaarey goobta uu qaraxa ka dhacay,iyo sidoo kale Gawaarida dab-damiska,kuwaas oo demiyey labada gaari oo aad u holcayey.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor