Sawirro:-Xildhibaano Baydhabo u tegay la socodka doorashada Koonfur Galbeed

Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa maanta gaaray wafdi Xildhibaano ah oo ka socda Xildhibaanada Golaha Shacbaka Soomaaliya.

Xildhibaanadaan oo ah kuwa ay deegaan doorashadooda tahay Koonfur Galbeed ayaa waxaa hoggaaminaya Xildhibaan Cabdi Fitaax Ibraahim Geesey ahna Wasiirka Howlaha Guud ee Xukuumadda Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa ujeedkoodu yahay sidii ay ula socon  lahaayeen Arimaha Doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya ee la filayo inay dhawaan ka dhacdo Magalada Baydhabo.

Soo dhaweynta kadib Xildhibaan Cabdi Fitaax Ibraahim Geeseey ayaa sheegay in ay Baydhabo u yimaadeen sidii looga dhabeyn lahaa rabitaanka Shacbaka Koonfur Galbeed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor