Sawirro:-Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Kheyre oo taageero u muujiyay Musharax laftagareen

Maanta Magalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay ka dhacday munaasabad uu musharaxnimadiisa ku soo bandhigayay Candi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) oo ahaa wasiirka Tamarta iyo Biyaha ee Xukuumadda Soomaaliya.

Munaasabada waxaa ka qeyb galay oo goobjoog ka ahaa wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya,waxaana ka mid ahaa wasiirka Gaashaandhiga Xasan Cali(Amar dambe) wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta iyo Xildhibaano Federaalka iyo kuwa Koonfur Galbeed.

Wasiirada iyo Xildhibaanada ka qyeb galay kulanka ayaa dhamaantood waxa ay goobta ka sheegeen inay aad u taageersan yihiin musharax Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis laftagareen.

Musharixiinta Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Siyaasiyiinta ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa ay dowladda Federaalka ku eedeynayeen in dowladda Soomaaliya ay wadato musharixiin gaar ah,waxana xusid mudan in laftagareen iyo talihii hore ee NISA magalada Baydhabo loo geeyay Gawaarida aan xabada Karin.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor