Sawirro:-Wasiirka Gaashaandhigga iyo Midowga Afrika oo ka wada hadlay Dagaalka dhanka ah Al-shabaab

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xil.Xasan Cali Maxamed Amardambe ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Xubno uu hogaaminayay Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira .

Waxaa ay ka wada hadleen labada dhinaca Siidii loo dardargalin lahaa Howl-galka ka dhanka Al-shabaab ah ee ka socda Gobalada Dalka Soomaaliya.

Danjire Francisco Madeira ayaa ku amaanay dowlada Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Gaashaandhigga sida ay uga Go’antahay xoreynta goobaha ay ku Suganyihiin dagaalamayaasha Al-shabaab .

“Waa talaabo wanaagsan hore loo qaatay Howl-galka ka socda labada Shabeelle ,Gedo iyo , Baay,Bakool iyo deegaano badan oo dadka ay ku dhibaateyn jireen Al-shabaab “Ayuu yiri Danjire Francisco Madeira.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka ay u diyaar garooween Qorshaha kala Guurka ee Ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor