Sawirro:-Wasiir Cawad oo sagootiyay Safiir Shaqo xileedkiisa ka idlaaday

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa quraac sharafeed u sameeyay Mudane Mohammed Yousuf Ibrahim Abdulmanan Safiirka Jamhuuriyadda aanu walaalaha nahay ee Suudaan u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo muddo xileedkiisa diblomaasiyadeed ay ka idlaatay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa ammaanay dadaalada uu muujiyay Danjire Maxamed Yuusuf ee xoojinta xiriirka u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, isagoo xusay heerka uu gaaray xiriirka walaalnimo ee isku xira Soomaaliya iyo Suudaan, waxaanu u rajeeyay Safiirka inuu ku guuleysto howlaha kale ee cusub ee dowladdiisu u igman doonto.

Safiirka Suudaan ee waqtiga loo idmaday howsha diblomaasiyadeed ka idlaatay ayaa ka mahadceliyay taageerada uu la kulmay muddadii uu howsha diblomaasiyadeed u joogay Soomaaliya, isagoo bogaadiyay xiriirka dhinacyada badan leh ee labada dal u dhexeeya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media