Sawirro:-Wasiir Cawad oo Itoobiya kula kulmay Ciyaartoyda Xulka Qaranka

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa casho sharaf u sameeyay cayaartoyda xulka Soomaaliyeed oo iskudayaysa inay sameeyaan taariikh cusub, muujiyaanna awooddooda si ay ugu soo baxaan isreeb-reebka cayaaraha olombikada.

Fiidnimadii xalay ayaa hotel ku yaala Addis Ababa lagu qabtay casha sharafeedka oo ay ka soo qeybgaleen cayaartoyda iyo tababarahooda. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa uu ku dhiirri-geliyay cayaartoyda inay gacmaha is qabsadaan, ayna la soo banbaxaan cayaar wanaag aad u sarreysa si ay u gaaraan guul weyn.

Cayaartoyda Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya ee da’dooda ay ka hooseyso 23 sano-jir ayaa maanta oo Arbaco ah la cayaari doona dhiggooda Itoobiya wejiga koowaad ee isreebreebka olombikada lagu qaban doono magaalada Tokyo sanadka 2020.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media