Sawirro:-Wafdigii dowladda ay Jowhar u dirtay oo dib u soo laabtay iyo waxyaabihii ay la kulmeen

Magaalada Muqdisho waxaa dib ugu soo laabtay Wafdigii wasiirada Xukuumadda federaalka Soomaaliya ka koobnaa ee dhawan loo diray Magaalada Jowhar si ay u demiyaan Xiisadii ka dhex taagneed hoggaanka Hir-Shabeelle.

Wafdigaan ayaa kala ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha,wasiirka amniga,wasiirka Waxbarashada iyo xubno kale,waxa ayna Jowhar kula kulmeen Madaxweynihii xilka laga qaaday ee Cosoble,iyo ku xigeenkiisii Cali Guudlaawe xuseen.

Masuuliyiin qeyb ka ahaa wafdiga dowladda ayaa Dalsan waxa ay u sheegeen in Madaxdii ay la kulmeen ee Hir-Shabeelle ay u gudbiyeen fariintii ay ka wadeen dowladda ee ahaa in xasarada Hir-Shabeelle la dejiyo.

Wafdiga oo dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaa la filayaa in Madaxda ugu sareysa dalka ay u gudbiyaan waxyaabihii ay ku soo arkeen Magaalada jowhar,iyo waliba madaxdii ay la kulmeen.

Intaas kadib waxaa la sugayaa in Go’aanka dowladda ee ah in ay Xildhibaanada Hir-Shabeelle ku raacdo xilka qaadistii ay ku sameeyeen Cali Cabdullaahi Cosoble iyo in qorsho kale ay u dejiso.

W/Q/ Cabduqaadir Jakaarta

Sawirro

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media