Sawirro:-Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo amaro Dul-Dhigay Taliyeyaasha Ciidamada

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye gaas Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko” ayaa maanta ka qeyb galay shirka Khamiislaha ah ee Ciidanka Booliska, kaasi oo looga hadlay dardar gelinta Shaqada iyo adkeynta Nabad gelyada.

Shirka ayaa waxaa ku sugnaa Taliye ku-xiggeenka Booliska S/guuto Zakia Ahmed, Madaxda hoggaanada iyo Saraakiisha Ciidanka, waxaana halkaasi heeso kala duwan kusoo bandhigay Hobolada Kooxda Heegan.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko” oo shirka ka hadlay ayaa Ciidanka Booliska ku ammaanay dadaalka ay ugu jiraan adkeynta Nabad geliyada, isaggoo xusay in Ciidanka Booliska uu hiigsanayo horumar ballaaran, islamarkaana qorshaha Taliska uu yahay in Shacabka Soomaaliyeed ay u jeexaan Taariikh cusub oo waxtar leh.

S/Gaas Bashiir Cabdi Maxamed ayaa faray Saraakiisha Ciidanka Booliska inay dardar geliyaan shaqada ay u hayaan Bulshadda Soomaaliyeed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor